Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista iyo Horumarinta Bariga Afrika (DAD), Prof. Cali Sheekh Axmed, ayaa 21-ka Diseembar 2024 ka jeediyay muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Tiirarka Hoggaaminta Ururrada Ardayda” munaasabadaas oo ay soo abaabushay Dalladda Wacyi-gelinta Bulshada (رابطة إرشاد المجتمع) ee Boosaaso.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay guddoomiyeyaasha ururrada ardayda ee Jamacadaha: Jaamcada Bosaaso, Jamacada Bariga Afrika, Jaamacada Culuumta Caafimaadka ee Bosaaso, Jaamacada Bada Cas iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka ururrada ardayda jaamacadaha ku yaalla Boosaaso. Ka-qaybgaleyaasha ayaa si weyn u dhegeystay talooyinka iyo aragtiyaha hoggaamineed ee uu Prof. Cali la wadaagay, isaga oo ka duulaya aragtida hay’adda DAD ee ku saleysan soosaarista hoggaan leh aragti togan iyo hufnaan hoggaamineed.
No comment