Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Bariga Afrika (DAD), Prof. Dr. Cali Sheikh Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage, kaas oo ka furmay dalka Jabuuti November 25, 2024. Shirkan ayaa Sannadkan diiradda lagu saarayay ‘Xoojinta Xasilloonida Gobolka: Muhiimadda u Hoggaansanaanta Iskaashi Ku Salaysan Shuruucda, Ganacsiga, iyo Nabadda Geeska Afrika.’
Madashan oo saddex maalin socotay ayaa lagu soo xiray casho sharaf uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, u sameeyay ka soo qaybgalayaasha madasha.
No comment